Mendy oo kasoo muuqday maxkamadda Chester Crown Court loona Haysto kiisaska ah in uu ku kacay ku dhowaad siddeed kufsi

Mendy ayaa Arbacadii kasoo muuqday maxkamadda Chester Crown Court oo ay ka socoto dacwadda kiisaska culus ee lagu soo oogay ee ah in uu ku kacay ku dhowaad siddeed kufsi muddo sannad gudihii ah, taas oo keentay in xabsiga loo taxaabo oo uu muddo xidhnaa, ka hor intii aan xabsi-guri lagu gelin qasriga uu ku leeyahay magaalada Manchester.

Benjamin Mendy ayaa ku adkaystay in aanu wax dembi ah lahayn oo ay been abuur iyo mu’aamarado yihiin siddeedda kiis ee kufsiga ah ee loo haysto, iyadoo waliba mid sagaalaadna hadda laga saaray liiska gal-dacwadeedyada.

Dumarka lagu eedaynayo inuu kufsaday ayaa u dhexeeya 17 jir illaa 29 jir, waxaana la filayaa in maxkamaddu ay si degdeg ah usoo gabogabayso dhegayso.

Afar ka mid  ah ciyaartoyda Manchester City ayaa la sheegay in looga yeedhayo maxkamadda, waxaana lagu tilmaamay inay yihiin goob-joogeyaal xilliyadii ay falalkani dhacayeen iyo markhaatiyo intaba.

Maalinta Isniinta ayaa la sheegay in maxkamadda ay kasoo muuqan doonaan Riyad Mahrez, Jack Grealish, John Stones iyo Kyle Walker, waxaana sidoo kale liiska markhaatiyada ku jira Raheem Sterling oo xagaagan ay Chelsea ku iibsatay £50 milyan oo Gini.

Maxkamadda ayaa dhaarisay 14 xaakim oo isugu jira siddeed nin iyo lix haween ah oo 15kii usbuuc ee ugu dambeeyey hawsha dacwaddan qayb ka ahaa, waxaana dhamaantood la weydiiyey haddii ay wax xidhiidh ah la leeyihiin Manchester City ama Manchester United, si loo ilaaliyo in aanay laacibkan eex u samaynin amaba aanay isaga uga eexanin.

Ciyaartoyda markhaati ahaanta qaybta uga noqonaya kiiskan ayaan la sheegin inay goob joog ka  ahaayeen markii uu laacibkani kufsiga samaynayay iyo in kale, balse waxay maxkamaddu ugu yeedhaysaa ‘goob-joogeyaal/markhaatiyo ogaa markii ay wax dhacayeen.’

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*