Home Warka Xiisaha Leh “Messi ayaanu ku fooryi doonaa Axadan” Taageerayaasha Mayalka Adag Ee PSG Oo...

“Messi ayaanu ku fooryi doonaa Axadan” Taageerayaasha Mayalka Adag Ee PSG Oo Leo Usoo Dhigtay

0
Ad

Taageerayaasha mayalka adag ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa shaaciyay qorshaha ay Axada berri ah la damacsan yihiin weeraryahanka kooxdooda ee Lionel Messi.

Sababta taageerayaasha Paris u qorshaynayaan inay ku oriyaan Lionel Messi berrito ayaa ah inay u arkaan sababta ugu weyn ee ay kooxdoodu wareega 16-ka Champions League ugu hadhay gacmaha Bayern Munich.

Ad

Taageere u hadlay PSG Ultras ayaa sheegay inay Messi ku orin doonaan iyagoo u arka mid mushaharkiisu aad uga badan yahay waxa uu kooxda kusoo kordhiyo.

“Messi ayaanu ku foodhyi doonaa Axadan. Wuxuu qaataa mushahar aad uga badan waxa uu garoonka kusoo bandhigo” ayuu yidhi taageerahaasi.

Taageerayaasha ayaa ka cadhaysan xaalada heshiiska xagaaga dhacaya ee 35 sano jirkaas waxayna ku eedaynayaan inuusan kooxda u hurayn waxkasta oo uu awoodo.

Messi ayuu heshiiskiisa PSG dhacayaa xagaaga, taas ayaa dhalisay in si xoogan loola xidhiidhiyo kooxo iyo horyaalo kala duwan.

Dhawaan ayay ahayd markii agaasimaha ciyaaraha Paris ee Christophe Galtier uu sheegay in kooxdu Messi wadahadalo heshiis kordhin wali kula jirto.

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo jimce Ah 17-ka Maarso
Next articlePatrick Kluivert oo saadaaliyay kooxda uu isleeyahay sanadkan 2023 ayay ku guuleysan kartaa UEFA Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here