Xiddiga Barcelona Lionel Messi, oo 33 jir ah, ayaa doonayay inuu ka tago kooxda weyn ee reer Spain xagaagan, laakiin ugu danbeyn waa uu sii joogay, waxaana oo dhaliyey lix gool iyo afar caawin 10 kulan oo ciyaaray bilowgii xilli ciyaareedkan.
Isla waqtigaas, wuxuu sidoo kale la kulmay dhaleeceyn dhanka taageerayaasha sababtoo ah ma uusan dhalinin goolal badan sannadkan sidii hore, sidoo kale waxa uu si xun ula dhaqmay saaxiibkiis Antoine Griezmann. Wakiilka hore ee reer France Éric Olhats ayaa dhawaan waxa oo sheegay in habdhaqanka Messi uu yahay mid laga xumaado.
Haatan Messi ayaa weerar ku qaaday dhaleeceynta uga timid wakiilkii hore ee Griezmann markii uu ku soo laabtay Barcelona Arbacadii, waxaa garoonka diyaaradaha kaga hor yimid koox saxafiyiin ah ka dibna waxaa la weydiiyay, waxyaabo ay ka mid yihiin dhaleeceyntii Olhat, waxa oo ugu jawaabey jawaab xasaasi ah.
– Waan ka daalay inaan markasta dhibaatada ka ahaado wax walba oo kooxda ka tirsan, ayuu yidhi sida ay qortay jariirada Isbaanishka ee Mundo Deportivo.
Mundo Deportivo ayaa intaas sii raacisay inay iska cadahay in Messi uu xanaaqay markii dhaleeceynta soo baxay. Xiddiga weerarka ayaan sidoo kale bixin wax faallo dheeraad ah oo ku saabsan mowduuca.
Messi ayaa intii lagu jiray usbuucii la soo dhaafay wuxuu ku maqnaa xul qaran Argentina. Wuxuu dhaliyay 90 daqiiqo kulankii Paraguay (1-1) iyo Peru (2-0 guul) kulamadii isreebreebka Koobka Aduunka ee South America ee lagu qaban doono dalka Qatar 2022. Barcelona ayaa marka xigta la ciyaari doonta Atlético Madrid meel ka baxsan La Liga Sabtida soo socota.