Home Warar Ciyaaraha Maanta Messi oo wacdaro lasoo laabtay, kadib markii uu xalay labo gool dhaliyay...

Messi oo wacdaro lasoo laabtay, kadib markii uu xalay labo gool dhaliyay shan daqiiqo gudaheed

0

Messi ayaa wacdaro lasoo laabtay, kadib markii uu xalay labo gool dhaliyay shan daqiiqo gudaheed markii uu ka soo laabtay dhaawac.

Lionel Messi ayaa soo laabtay iyadoo weeraryahanka halyeeyga ah uu dhaliyay labo gool shan daqiiqo gudahood, waxaana uu ka caawiyay Inter Miami inay ka adkaato Philadelphia Union ciyaar ay 3-1 ku badisay.

Messi, oo 37 jir ah, ayaa seegay muddo saddex bilood ah oo uu ka ciyaarayay horyaalka MLS, sababa la xidhiidha dhaawac kasoo gaadhay canqowga xilli uu gudanayay waajibaadkiisa qaranka.

Kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee horyaalka waxa uu ahaa 1dii June.

Xiddiga reer Argentine ayaa ku soo bilowday oo uu u ciyaaray 90 daqiiqo oo buuxda.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta isaga oo koorne ka helay Luis Suarez.

Afar daqiiqo ka dib, Jordi Alba ayaa caawiye ka ahaa goolkii labaad ee Messi, iyadoo xiddiga ugu weyn Inter Miami uu mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqadii 30aad isagoo hogaanka u dhiibay Inter Miami.

Dhamaadkii ciyaarta Inter Miami ayaa goolka 3aad dhalisay, iyadoo Messi uu caawinaad aan la rumeysan karin u sameeyay xiddiga reer Uruguay.

Ciyaartan ayaa ahayd tii ugu horeysay ee Messi uu ciyaaro tan iyo finalkii Copa America, halkaasoo uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray kulankii Argentina ay 1-0 kaga badisay Colombia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here