Mesut Ozil oo guul-darro weyn kula bilowday kooxdiisa cusub ee IstanbulBasaksehir.

Mesut Ozil ayaa guul-darro weyn kula bilowday kooxdiisa cusub ee IstanbulBasaksehir, waxaana loo geystay xasuuq weyn ciyaartii ugu horreysay ee uu u saftay oo toddobaadkan dhacday.

33 jirkan ayaa bishii hore u wareegay Istanbul Basaksehir, kaddib markii uu ka tegay Fenerbahce oo uu kansalay qandaraaskii uu kula jiray, hase yeeshee guul-darro culus ayaa uu kula kowsaday waayihiisa kooxda cusub ee uu toddobaadyada joogay.

Ozil oo aan u ciyaarin Fenerbahce tan iyo bishii March oo ahayd waqtigii ay isku dhaceen tababaraha kooxdaas, ayaa qayb ka ahaa kooxda koowaad ee Basaksehir oo kulan saaxiibtinimo oo tijaabo ah la ciyaaray naadiga Kasimpasa, waxaanay la kulmeen xasuuq weyn.

Ciyaartan oo uu Ozil beddel kusoo galay ayaa waxa 7-1 ku badisay Kasimpasa halka Istanbul Basaksehir ay hal gool oo kaliya la timid, waxaana layaab ahayd in markii uu laacibkani ciyaarta soo gelayay hal gool oo kaliya lagu lahaa kooxdiisa.

Basaksehir ayaa kooxdan xilli icyaareedkii dhamaaday ee horyaalka Super Lig ee Turkiga waxay 4-0 ku xasuuqday Kasimpasa oo ah kooxda hadda toddobada gool ka dhalisay.

Mesut Ozil ayaa rajaynaya inuu si fiican kula bilowdo Basaksehir oo xilli ciyaareedka cusub ee dhowaanta bilaabmaya ay isku muujin doonaan, isla markaana ay iska maydhi doonaan guul-darradan kasoo gaadhay ciyaarta saaxiibtinimo.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*