Xiddigii hore ee kooxaha Real Madrid iyo Arsenal ee Mesut Ozil ayaa kusoo laabanaya garoomada lix bilood kaddib markii uu ciyaaraha ka fadhiistay, waxaana uu tababare u noqonayaa xul weyn oo reer Yurub ah.
Sida uu qoray wargeyska Bil ee kasoo baxa waddanka Germany, Ozil ayaa waxa uu dhowaan kasoo muuqan doonaa garoomada isaga oo ka mid noqonaya tababareyaasha xulka qaranka Turkey.
Xulka qaranka Trukey oo dhowaan laga cadhiyey Stefan Kuntz markii ay Japan 4-2 ku karbaashtay, ayaa waxa Ozil ay ku darsadeen liiska tababareyaasha ay doonayaan in ay dib u habeeyaan xulka oo ay u diyaariyaan tartanka qaramada Yurub ee xagaaga dambe lagu qabanayo waddanka Germany.
Ozil ayaa la sheegay in ay suurtogal tahay in uu noqdo tababaraha koowaad ee xulka qaranka Turkey, hase yeeshee The Bild waxa uu xusay in uu qayb ka noqon doono shaqaalaha tababarka.
Dhinaca kale, xidhiidhka kubadda cagta Germany ayaa la sheegay in iyagana uu diiraddooda soo galay Mesut Ozil kaddib markii ay horraantii bishan eryeen Hansi Flick oo isagana la eryey markii uu xulka qaranka Japan si xun ugu xasuuqay gudaha waddankooda.
Si kastaba ha ahaatee, Ozil ayaanay suurtogal ahayn in uu dib ugu laabto waddanka Germany oo ay siyaasiyiinta iyo taageereyaashaba isku xumaadeen markii uu taageeray madaxweynaha Turkey ee Racep Tayyip Erdogan, taas oo sababtay in uu ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah sannadkii 2018.