Home Horyaalada Kale Mesut Ozil oo ugu danbeeyntii iskaga huleelay kooxda Arsenal kana degay Dalka...

Mesut Ozil oo ugu danbeeyntii iskaga huleelay kooxda Arsenal kana degay Dalka Turkiga

0

Waqtiga Mesut Ozil ayaa umuuqda in ugu dambeyn lasoo afjaray mustaqbalkiisa kooxda  kadib markii ciyaaryahanka khadka dhexe lagu soo waramayo inuu ogolaaday inuu ku biiro kooxda reer Turkey ee Fenerbahce.

Ozil oo Gunners kaga soo biiray Real Madrid sanadkii 2013, ayaa ka maqnaa qorshaha Mikel Arteta tan iyo markii uu qabtay hogaanka kooxda.

Albaabka ayaa u furnaa bixitaankiisa ilaa sanadkii hore, Ozil ayaa haatan ogolaaday inuu u dhaqaaqo Turkiga oo uu xiriir adag la leeyahay.

Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ay tahay ‘riyo u dhaqaaq’ 32 jirkan oo la filayo in uu ku biiro kooxda 19-ka jeer ee ku guulaystay horyaalka Turkiga.

Wuxuu ogolaaday heshiis seddex sano iyo bar ah, kaasoo soo gabagabeynaya heshiiskiisa £ 350,000 asbuucii ee Arsenal.

Ozil oo wadahadal kula jiray kooxda Mareykanka ee DC United, ayaa soo dhigay sawir bartiisa Twitter habeenkii Talaadada isagoo ku sugan magaalada Istanbul.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here