Mezut Ozil maxuu ka yiri guuldaradii kooxdiisa ku dhacday iyo ceyrinta Arteta

Kadib guuldaradii soo gaartay kooxda arsenal waxaa mugdi weyn uu soo galay shaqada maamulaha arsenal mikel Arteta oo laga yaabo in shaqada laga ceyriyo kahor bogsan day.

Arsenal ayaa qasaaro kala kulantay kooxda Everton ciyaar ku idlaatay 2-1 oo Arsenal laga awood sheegtay taas oo kariday ineey galaan kaalinta 15 aad ee English premier league.

Arteta ayaa xidiga Chermalka ah kasaaray Safka xidigaha uu usoo xushay tartanka premier league iyo uefa Europe League taas oo dhibaato ku Noqotay macalinkan spanishka ah.

Mezut Ozil oo ah xidiga ugu mushaarka badan Kooxda arsenal ayaa sidoo kale ah xidiga ugu qibrada badan kooxda maadama uusan joogin xidig kaga soo horeeyey arsenal marka la fiiriyo dhamaan xidigaha u jooga kooxda Gunners.

 

Xiddiga ayaan wax kulan ah u ciyaarin arsenal xilli ciyaaredkan oodhan ozil oo nayad jabsan ayaa bartiisa Twitter soo dhigay emojo ka tarjumaya qalbijab iyo wajigiis oo aad looga dareemayo xumad.

Dhamaan taagerayasha kooxda arsenal ayaa ka careysan hab maamulka tababarahaan Ozil ayaa la niyadjabsan sida xaalka kooxdiisa uu yahay iyo sida uusan u caawin karin waxaana la filayaa haddii Arteta uu ka badbaado ceyrin inuu Ozil ku soo celiyo kooxda bisha Janaayo.

 

 

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*