Michael Owen oo cadeeyay afarta kooxood ee ku guuleysan kara Horyaalka Premier League

Michael Owen ayaa u magacaabay Liverpool, Manchester City, Chelsea iyo Tottenham afarta koox ee xilli ciyaareedkaan ku guuleysan kara Premier League.

Kooxda Jose Mourinho ayaa laga badiyay kaliya hal kulan xilli ciyaareedkan iyaga oo hogaaminya horyaalka kadib 10 kulan iyaga oo la dhibco ah kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool.

Lakaiin kooxda lacagta badan galisay suuqa ee chelsea ayaa kaliya 2 dhibcood ka dambaysa Tottenham iyo Liverpool halka ay Leicester City ku jirto kaalinta 4-aad inkasta oo laga badiyay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxaha Man United, Man City iyo Arsenal ayaa dhankooda ku jira kaalinta 9-aad, 11, iyo 14-aad kadib si xun oo ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka.

Owen ayaa qirtay in tartanka premier League xilli ciyaareedkan uu furanyahay laakiin sheegay in ay 4 kooxood ugu cad-cadyihiin ku guulaysigiisa.

“Hadii uu jiri lahaa xilli ciyaareed aad aaminsanahay in ay koox kasta ku guulaysan karto horyaalka waa xilli ciyaareedkan sababta oo ah horyaalku waa mid furan”ayuu Owen u sheegay BT Sport.

“Laakiin wali waxa jiri doonta kaliya 4 koox oo u tartami doona ku guulaysiga horyaalka kuwaas oo kala ah Liverpool, Man City, Chelsea iyo Tottenham”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*