Home Suuqa Kala iibsiga Michael Owen oo magacaabay saxiixyada ay u baahan tahay Manchester United

Michael Owen oo magacaabay saxiixyada ay u baahan tahay Manchester United

0

Michael Owen ayaa magacaabay saxiixyada ay u baahan tahay Manchester United ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan dhamaadka bishaan.

United, ayaa aad u doonaysa in ay horumariso kooxdeeda si ay uu dhamaysato meel ka fiican booskii ay ku dhamaystay horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

United ayaa ilaa haata la soo saxiixatay xiddigaha Joshua Zirkzee iyo Leny Yoro iyada oo kula soo saxiixatay 100 milyan oo euro.

Xiddigii hore ee Man United Michael Owen ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay u baahantahay in ay mar kale ku laabato suuqa kala iibsiga lana soo saxiixdeen weeraryahan cusub.

“Joshua Zirkzee waxa uu u noqon karaa ciyaaryahan muhiim u ah Manchester United, laakiin waxa ay noqon doontaa mid aad u xiiso badan bilowga xilli ciyaareedka cusub si loo arko haddii uu la qabsan doono qaab ciyaareedka kooxda”ayuu Owen yidhi.

“Zirkzee uma eka mid gool dhalin badan laakiin waxa la hubo ayaa ah in Manchester United ay u baahneyd xoojinta booskaas. Waxaad dib u milicsataa kooxihii waaweynaa ee United, waxa ay haysteen afar weeraryahan oo sarre mararka qaar”.

“Manchester United waxa haystay ool dhalin la’aan sanadihii ugu dambeeyay sidaas darteed in ciyaartoy tayo leh la keeno waa mid muhiim ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here