Michael Owen oo saadaaliyay afarta sare ka dib guushii cajiibka ahayd ee ay Liverpool ka gaadhay West Brom

Michael Owen ayaa saadaaliyay labada koox ee si dhuumaaleysi ah ugu soo bixi doona afarta sare ka dib guushii cajiibka ahayd ee ay Liverpool ka gaadhay West Brom shalay.

Goolhaye Alisson ayaa dhaliyay kubad madax ah oo layaableh daqiiqadii 95-aad si rajada Reds ay ugu sii jirto booskeeda Champions League xilli ciyaareedka dambe . Hal Robson-Kanu ayaa hogaanka u dhiibay Baggies qeybtii hore ka hor inta uusan Mohamed Salah barbareynin, ciyaarta ayaana u muuqatay mid ku dhamaaneysa barbaro ka hor inta uusan Alisson u dhalin gool Cajiib ah.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa haatan u jirta hal dhibic kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea iyadoo labo kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedkaan – oo ay la ciyaarayaan Burnley iyo Crystal Palace.

Blues ayaa talaadada la ciyaareysa kooxda kaalinta seddexaad ee Leicester, ka hor inta aysan axada la ciyaarin Aston Villa.

Dhanka kale, Foxes, oo haatan labo dhibcood ka sarreysa Chelsea, ayaa la ciyaari doonta Tottenham maalinta ugu dambeysa xilli ciyaareedka.

Weeraryahankii hore ee Liverpool Owen ayaa aaminsan in Leicester ay ka bixi doonto afarta koox ee ugu sareysa, iyadoo Chelsea iyo Reds ay xaqiijin doonaan kubada cagta Champions League oo ay wehliyaan kooxda hanatay horyaalka ee Manchester City iyo kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester United xilli ciyaareedka soo socda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*