Home Wararka Ciyaaraha Maanta Michael Owen oo saadaaliyay natiijada kulanka Liverpool vs Manchester United

Michael Owen oo saadaaliyay natiijada kulanka Liverpool vs Manchester United

0

Ciyaaryahankii hore ee Liverpool iyo Manchester United weeraryahanka Michael Owen ayaa saadaaliyay kulanka maanta ee Liverpool iyo ManchesterUnited. Owen wuxuu rumeysan yahay in labada tartan ee horyaalka kula loolami doona ay barbaro mari doonaan marka ay ku kulmaan Anfield.

Manchester United ayaa u safreysa Anfield si ay ula ciyaarto Liverpool maanta iyagoo kulankii ugu danbeeyay ay 1-0 kaga badiyeen Burnley Talaadadii taasoo u aragtay inay seddex dhibcood ka sarreeyaan kooxda Jurgen Klopp ee miiska kala sareynta Premier League.

Red Devils ayaa haatan hogaanka u heysa horyaalka, guul ay ka gaaraan maanta kooxda difaacaneysa Premier League ayaa ka dhigeysa inay yihiin kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here