Home Warar Ciyaaraha Maanta Michael Owen oo Shaaciyay in awooda Man City ee horyaalka premier...

Michael Owen oo Shaaciyay in awooda Man City ee horyaalka premier League la soo afjari doono

0

Michael Owen ayaa aaminsan in awooda Man City ee horyaalka premier League la soo afjari doono xilli ciyaareedkan isaga oo ka cabsi qaba in kooxda difaacaanaysa horyaalka ayna xitaa ku dhamaysan doonin 3-da kooxood ee ugu saraysa.

Ka dib markii ay Arsenal ku garaacday horyaalka, City ayaa ku guulaystay markii 4-aad oo xidhiidh ah tartanka premier League.

Waxa uu yidhi: “Arsenal iyo Manchester City waxa ay ka sarayn doonaan kooxaha kale dhinaca 4-ta kooxood ee ugu saraysa Liverpool ayaa ku jiri doonta inkasta oo su’aal la galinayo tababaraha cusub”.

“Waxa aan ka fikiray Newcastle laakiin Aston Villa way adag tahay waxayna u muuqataa inay wali horumar samaynayso”.

“Dhinaca horyaalka uma malaynayo in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka, wax yar ayay hoos u dhacaysaa”.

“Waxa aan Arsenal u saadaalinayaa horyaalka, Liverpool kaalinta 2-aad, Aston Vilaa 3-aad iyo Man City 4-aad”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here