Michael Owen oo sheegay saadaashiisa Kulamka Aston Villa v Arsenal

Michael Owen ayaa saadaaliyay in Aston Villa ay 3-1 kaga badin doonto Arsenal garoonka Villa Park kulanka maanta.

Gunners ayaa guuldaro 2-1 ah kala kulantay kooxda Wolverhampton Wanderers garoonka Molineux Stadium fiidnimadii Talaadada ka dib markii David Luiz iyo Bernd Leno casaan la siiyay kulankii bartamihii isbuucaan.

Arsenal ayaa la kulantay guuldaradoodii ugu horeysay tan iyo bishii December ka dib markii kooxda Mikel Arteta ay ku guuleysatay inay isku xirto todobo kulan tan iyo guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay Everton.

Kooxda ka dhisan woqooyiga London ayaa ku guuleysatay inay ururiso 17 dhibcood toddobadii kulan ee ay ka ciyaartay Premier League si ay ugu dhaqaaqdo qeybta ugu sarreysa horyaalka.

Aston Villa ayaa dhibic ka sareysa Arsenal laakiin kooxda Dean Smith ayaa ciyaartay labo kulan wax ka yar kooxda Arteta.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*