Mid ka mid ah saddexdii gabdhood ee eedaymaha usoo jeediyey xiddiga reer Brazil ee Antony ayaa ka noqotay dacwaddii ay gudbisay, sida ay warbaahinta dalka Brazil sheegtay laakiin wali laacibkani ma awoodi doono inuu u ciyaaro Man United.
Antony oo ay da’diisu tahay 23 jir ayaa lagu eedeeyey in uu dhibaatooyin gaadhsiiyey saaxiibaddiisii hore ee Gabriela Cavllin oo booliska u gudbisay afar eedaymood o kala duwan oo sababay in ay baadhitaanno bilaabaan booliska Sao Paulo iyo Manchester, laakiin laacibkan ayaa beeniyey arrintan.
Waxa kale oo iyaguna dacwad ka duwan gudbistay Ingrid Lana oo ah gabadh 33 jir ah oo ka shaqaysa bangi oo hore sannadkii 2022 ugu gudbisay booliska in tacaddiyo uu u geystay Antony, isla markaana ugu hanjabay in uu dilayo.
Ryssa de Freita soo culuumta sharciga dhigta ayaa sheegtay, in loo baahnaa in cusbitaalka la geeyo gabdahan waqtigii ay wax dhaceen, si loo xaqiijiyo sugnaanshaha eedaymahan.
Si kastaba, booliska Sao Paulo Civil Police ayaa waxa uu sheegay in mid ka mid ah gabdhahaasi ay hadda ka laabatay kiiska iyo dacwadda ay ka gudbisay laacibkan, balse laacibkan uu dibedda kasii ahaan doono Manhester United sababtoo ah waxa wali taagan laba gabadhood oo kale oo dacwoonaya.