Home Horyaalka Ingiriiska Mikel Arteta: ‘Frank Lampard wuxuu u qalmaa in waqti badan la siiyo...

Mikel Arteta: ‘Frank Lampard wuxuu u qalmaa in waqti badan la siiyo Chelsea’

0

Mikel Arteta ayaa aaminsan in Chelsea macalinkooda Frank Lampard u qalmo waqti dheeraad ah si Blues ugu soo noqoto wadada guusha.

Arteta wuxuu dareensan yahay in xiddigii hore ee England ay tahay in la siiyo waqti dheeri ah oo uu wax kaga saxo Stamford Bridge.

“Waan aqaanay Frank sanado yar, waxaanan la qaatay waqti inbadan, waxaanan jeclaan lahaa in kooxdu ay taageerto oo ay fursad siiso” ayuu yiri tababaraha reer Spain.

“Khibrad weyn ayuu u leeyahay ciyaaryahan ahaan, waa halyeey halkaas jooga, waxyaabo fiican ayuu soo qabtay runtii.

Guushii 3-1 ee ay ka gaareen gurigooda Lampard ee Chelsea maalintii Boxing Day ayaa ka caawisay Gunners inay dib ugu soo laabato wadada saxda ah, waxaana ay haatan badiyeen shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here