Home Warar Ciyaaraha Maanta Mikel Arteta Oo Amaan Ugu Qubeeyay Gabriel Jesus “Waxa uu gaadhay heerkiisa...

Mikel Arteta Oo Amaan Ugu Qubeeyay Gabriel Jesus “Waxa uu gaadhay heerkiisa ugu sareeya mar kale”

0

Arsenal ayaa 2-1 ku garaacday Manchester United kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay dalka Maraykanka.

Goolal ay dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli ayaa Gunners kaga filnaa in ay badiyaan.

Jesus ayaa ahaa mid aad u firfircoon intii lagu jiray qeybta hore ee ciyaarta, waxaana uu sameeyay qaab ciyaareed xoogan inkastoo dhaawacyo uu qabay.

“Waxa uu u muuqdaa mid aad u fiican, waxa uu badalay waxyaabo badan intii lagu jiray suuqii xagaaga”ayuu Arteta yidhi.

“Waxa uu gaadhay heerkiisa ugu sareeya mar kale, aad ayaan ugu faraxsanahay in uu mar kale muujiyay tayadiisa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here