Home Warar Ciyaaraha Maanta Mikel Arteta oo daaha ka qaaday wixii uu Riccardo Calafiori u sheegay...

Mikel Arteta oo daaha ka qaaday wixii uu Riccardo Calafiori u sheegay ka hor inta uuna dhamaystirin ku biiristiisa Arsenal

0

Mikel Arteta ayaa sheegay in saxiixiisa cusub ee Riccardo Calafiori uu usbuucyo ka hor u sheegay sidan: “Boorsooyinkeyga way xiranyihiin, kaliya waxaan rabaa inaan ku biiro Arsenal”.

xidiga reer Talyaani ayaa haatan rajeynaya inuu ciyaaro kulanka Liverpool Arbacada.

Daafaca Bologna oo 22 jir ah ayaa Arsenal u saxiixay heshiis shan sano ah, kaasoo ku kacaya 42 milyan ginni, waxaana uu kooxda ku biiray Isniintii.

Arteta ayaa yiri: “Waxaan la hadlay hal ama labo jeer, manaan hubin inaan sameyn karno iyo in kale heshiiskan.

“Waxa uu ku adkaystay, “Ii soo sheeg marka aad diyaargarowdo, boorsooyinkayga waa ay buuxaan, waxaana kaliya oo aan doonayaa in aan ku biiro Arsenal”. Hadalkiisii ​​ayaa ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here