Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa hoos u dhigay walwalka laga qabo dhaawaca xiddiga reer England ee Bukayo Saka oo muruqa ay waxyeello kasoo gaadhay, kaas oo shaki la gelinayo fursaddiisa ciyaarta Everton ee Axadda.
Bukayo Saka ayaa awoodi waayey in uu dhamaysto kulamadiic aalamiga ahaa ee xulka qaranka England ee Scotland iyo Ukraine, waxaana la sheegay in uu ka dhaawacan yahay muruqa.
Wararka ayaa sheegaya in 22 jirkani uu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah, hase yeeshee tababare Arteta ayaa xaqiijiyey in ay xaaladdiisu fiican tahay, waxaanu yidhi: “Bukayo Saka wuu fiican yahay. Maanta si caadi ah ayuu tababarka u sameeyey, mana jirin wax caqabad ah.”