Mikel Arteta oo ka hadlay tartanka loogu jiro horyaalka xilli ay Manchester City iyo Liverpool ay isku jiraan keliya 5 dihibcood farqiga dhibcaha.
Mikel Arteta ayaa soo jeediyay in Arsenal aysan ahayn kaliya kooxda ku tartamaysa horyaalka Premier League ee aan wali si fiican u gaarin heer la saadaaliyo, isagoo xusay sida ay u adag tahay in la tilmaamo koox gaar ah xilligan.
Mikel Arteta ayaa sheegay in aysan jirin koox horyaalka Premier League si cad ugu cadcad xilli ciyaareedkan, inkastoo ay Arsenal hadda 10 dhibcood ka dambayso hoggaamiyayaasha horyaalka Liverpool.
Kulanka soo socda ee kooxda Gunners ay la ciyaari doonto Chelsea ayaa noqonaya mid muhiimad weyn leh kaddib markii ay waayeen natiijooyin fiican, iyagoo helay keliya hal dhibic saddexdii kulan ee ugu dambeysay. Guuldarrooyinkii xidhiidhka ahaa ee Bournemouth iyo Newcastle ayaa ku soo kordhiyay walbahaar qaab ciyaareedkooda, taas oo Arsenal ka saartay afarta sare iyagoo isku diyaarinaya inay wajahaan kooxda awooda badan ee Enzo Maresca.
“Waxaa jirta koox si joogto ah natiijooyin wanaagsan u gaadhaysay, waa Liverpool, waxaana arki kartaa tirada guulaha ay gaareen. Laakiin farqiga ayaa aad u yar. Guushu waa habka ugu fiican ee wax walba; Tamarta, kalsoonida, firfircoonida iyo xamaasadda taageerayaadha ayaa abuura fursado khaali ah iyo jawi wanaagsan. Waxay kaa caawiyaan wax walba, xataa haddii aadan u qalmin.”