Mikel Arteta oo ka hadlay wararka xanta ah ee Dusan Vlahovic

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa diiday inuu meesha ka saaro u dhaqaaqista Dusan Vlahovic iyadoo ay socoto hadal heynta ku saabsan weeraryahanka dhexe ee Fiorentina .

Xiddiga reer Serbia ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxdiisa Italy xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 18 gool 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Arsenal ayaa lasheegayaa in ay hogaaminayso safka 21-sano jirkaan inkasta oo ay xiiseynayaan kooxaha Juventus , Manchester United , Manchester City iyo Tottenham Hotspur .

Markii la weydiiyay suurtagalnimada u dhaqaaqista Vlahovic, Arteta wuxuu soo jeediyay in kooxdiisu ay suurtagal tahay inay la soo wareegto weeraryahanka inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

“Waxaan u maleynayaa in tirada waxyaabaha iyo habka aan rabno inaan u horumarino kooxda, waa inaan u kordhinaa suuq walba siyaabo badan oo kala duwan waanan feejiganahay,” Arteta ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Fiorentina ayaa lagu Xamanayaa inay dooneyso inay iska iibiso Vlahovic inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, iyadoo weeraryahanka uu qandaraaskiisu uu dhacayo June 2023.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*