Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Bukayo Saka uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii ay Arsenal 5-1 kaga badisay Crystal Palace isla markaana ay kooxdu ‘ay ka walaacsan tahay’ weeraryahanka.
Gunners ayaa 5 gool ku xasuuqday Crystal Palace kulan ka tirsanaa premier League.
Saka ayaa kaliya ciyaarta ku jiray 24 daqiiqo kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga.
Ciyaarta kadib Saka ayaa la arkay isaga oo ku boodaya birta dhaawaca taas oo walaac ku abuurtay taageerayaasha iyo Arsenal.
“Wax ayuu ka dareemay muruqa”ayuu Arteta yidhi.
“Waxa uu awoodi waayay in uu sii wadi kari waayo ciyaarta, waan qiimayn doonaa xaalada, aad ayaan u walaacsanahay”.