Mikel Arteta oo ka warbixiyay Xaalada Dhaawac ee Xidiga Granit Xhaka

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in Granit Xhaka uu si feecan u soo kabsanayo marka la eego dhibaatada jilibka ah.

Kabtanka Switzerland ayaa dhaawac ka soo gaaray guushii ay ka gaareen Tottenham Hotspur bishii hore waxaana lagu wadaa inuu saddexda bilood ee soo socota garoomada ka maqnaado inta uu ka soo kabanayo.

Xhaka lama filayo inuu maro qaliin maadaama uu u dagaalamayo inuu taam noqdo ka hor dhamaadka sanadka, Arteta ayaa amaanay dadaalka ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku soo kabsanayo

Isagoo siinaya warbaahinta wararka kooxda, Arteta wuxuu yiri: “Ma ahan war xun. Waqtigan xaadirka ah qof walba wuxuu u muuqdaa inuu diyaar yahay.

“Haddii aad u sheegto saddex [bilood], wuxuu ka fikirayaa laba. Wuxuu qaban doonaa shaqo dheeri ah si uu isugu dayo oo u yareeyo wakhtigaas. ”

Iyadoo Xhaka uu dhaawacan yahay, Thomas Partey iyo Albert Sambi Lokonga ayaa mar kale noqon kara lammaane qadka dhexe ah kulanka Premier League ee Isniinta ee Crystal Palace.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*