Home Warar Ciyaaraha Maanta Mikel Arteta oo qirtay inuu ka shaqeynayay qorshe uu kaga badinayo Manchester...

Mikel Arteta oo qirtay inuu ka shaqeynayay qorshe uu kaga badinayo Manchester City tan iyo xagaagii

0

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa qirtay inuu ka shaqeynayay qorshe uu kaga badinayo Manchester City tan iyo xagaagii.

Gunners ayaa u safri doonta Etihad Axada kulan ka tirsan premier League todobaadkii 5-aad ee xilli ciyaareedka.

“Waxa aan u diyaar-garoobaynay tan ilaa kulamadii isku diyaarinta kulanka Man City”ayuu Arteta yidhi.

“Sida cad, waan naqaanay jadwalka, waxaana ognahay inay aad dhif u tahay in lagu ciyaaro xaaladahan seddex kulan oo waaweyn oo banaanka ah lix maalmood gudahood”/

“Laakin waxay ahayd sidii ay ahayd sidaas darteed waanu u diyaargarownay taas, jidh ahaan, maskax ahaan iyo xeelad ahaanba”.

“Waxaan hubineynaa in qof walba uu diyaar u yahay sababtoo ah waxaan u baahan doonaa iyaga, gaar ahaan dhaawacyadii na soo gaaray ciyaaraha caalamiga ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here