Home Suuqa Kala iibsiga Mikel Arteta oo sheegay in Arsenal ay wali Raadinayso Badalka Gabriel Jesus.

Mikel Arteta oo sheegay in Arsenal ay wali Raadinayso Badalka Gabriel Jesus.

0

Mikel Arteta ayaa sheegay in Arsenal ay wali suuqa ugu jirto sidii ay ula soo saxiixan lahayd weeraryahan cusub kadib markii uu dhaawac ku waayay Gabriel Jesus.

Gunners ayaa guul 2-0 ah ka gaartay Aston Villa habeenkii sabtida iyaga oo gaadhay guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah premier League.

Jesus ayaa la filayaa in uu muddo ka maqnaado garoonka sabab la xidhiidha dhaawac gumaarka ah iyada oo baadhitaa dheeraad ah lagu samayn doono.

Arsenal ayaa la soo saxiixatay daafaca Riccardo Calafiori halka ay sidoo kale ku dhaw yihiin saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Real Socidad Mikel Merino.

Laakiin Arteta ayaa qirtay in ay kooxdiisu suuqa ugu jirto weeraryahan cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga jimcaha dambe.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda aan heysano,” Arteta ayaa u sheegay Sky Sports ka dib guushii ay ka gaareen Villa.

“Waa run dhaawac Jesus ayaa keenaya in aanan haysan weeraryahano badan sidaas darteed hadii aan samayn karno saxiix kale waan samayn doonaa”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here