Home Suuqa Kala iibsiga Mikel Arteta oo sheegay sababta ay kooxdiisu ula soo saxiixatay xiddiga Mikel...

Mikel Arteta oo sheegay sababta ay kooxdiisu ula soo saxiixatay xiddiga Mikel Merion.

0

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay sababta ay kooxdiisu ula soo saxiixatay xiddiga Mikel Merion.

Arsenal ayaa maanta si Rasmi ah taageerayaasheeda ugu soo bandhigtay xiddiga Mikel Merino oo ay kala soo wareegtay kooxda Real Sociedad.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mikel waa ciyaartoy nagu soo kordhin doona tayo weyn iyo khibard iyo waliba in uu ka ciyaari karo boosas badan”.

“Waxa uu ka soo ciyaaray heerka ugu sareeya xulka ama kooxaha xilli ciyaareedyo badan, Mikel waxa uu sii xoojin doonaa kooxdeeda”ayuu sii raaciyay.

“Dhamaanteen waxa aan wada aragnay in uu Mikel yahay guulayste soona bandhigay qaab ciyaareed xoogan isaga oo Spain ka caawiyay ku guulaysiga Euro 2024”.

“Waan ku faraxsanahay in aan ku soo dhawayno kooxdeena, mana sugi karo in aan la shaqeeyo isaga”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here