Home Wararka Ciyaaraha Mikel Arteta oo soo bandhigay Qorshihiisa Suuqa ee Bisha January

Mikel Arteta oo soo bandhigay Qorshihiisa Suuqa ee Bisha January

0

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay inuu si dhow ula shaqeynayo agaasimaha farsamada Edu iyaga oo isku diyaarinaya suuqa kala iibsiga ee aan la saadaalin karin bisha January.

Gunners ayaa haatan ku jirta meeshii ugu xumeyd ebid ee Premier League 10 kulan kadib, Arsenal ayaa lala xiriiriyay dhowr xiddig si ay ugu xaliso dhibaatooyinka dhanka kubad samaynta.

Xiddiga Lyon ee Houssem Aouar iyo xiddiga kooxda Red Bull Salzburg ee Dominik Szoboszlai ayaa si xoogan loola xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan Suuqa january hala xiddiga Inter Milan ee Milan Christian Eriksen iyo xiddiga Norwich City ee Emiliano Buendia sidoo kale la sheegay in ay bartilmaameed u yihiin Arsenal.

Markii la weydiiyay suurta galnimada imaatinka xiddigo cusub intii lagu jiray shirkii jaraa’id ka hor Europa League Arteta ayaa yidhi”Waxa aan qorshaynaynaa in aan la hadalno Edu iyo kooxda si aan uga hadalno waxyaabaha aan qaban karno bisha January”.

“Laakiin waqtigan la joogo waa arrin aad u adag, lama saadaalin karo meelaha aan doonayna in aan xoojino”.

“Waan arki doonaa waxa dhaca, Hadii ay wax soo baxaan waxa aan diyaar u noqon doo aa in aanu u dhaqaaqno waxa aan u baahanahay, waxana aan la soo saxiixan doonaa xiddigaha aan u baahanahay”.

Previous articleMichael Owen oo cadeeyay afarta kooxood ee ku guuleysan kara Horyaalka Premier League
Next articleReal Madrid oo soo bandhigtay laba Macalin oo u sharaxan badalka Zinedine Zidane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here