Mikel Arteta oo xaqiijiyay in Takehiro Tomiyasu uu garoomada ka maqnaan doono dhowr todobaad.

Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in Takehiro Tomiyasu uu “dhowr usbuuc” ka maqnaan doono dhaawac kubka ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Japan ayaa arrintan la dhibtoonayay tan iyo horaantii sanadkan, laakiin waxa uu taam u ahaa inuu ka horyimaado Liverpool bartamihii isbuuca.

Si kastaba ha ahaatee, dhaawaca Tomiyasu ayaa dib u soo laabtay ka hor kulankii ay barbaraha 0-0 la galeen Burnley Axadii, taasoo sidoo kale ku qasabtay inuu ka baxo waajibaadka caalamiga ah ee fasaxa soo socda.

Arteta ayaa haatan xaqiijiyay in arinta daafaca midig aysan noqon doonin mid si deg deg ah xal loogu helo, isagoo u sheegay suxufiyiinta: “Hagaag, Tomiyasu dhaawac ayaa soo gaaray, mana aanan haysan qof booskaas ka ciyaara kulankii Liverpool, sida ay soo xigatay arsenal.com .

Arsenal ayaa 10ka Febraayo la ciyaari doonta Wolverhampton Wanderers ka dib fasaxa caalamiga ah, halkaas oo Granit Xhaka iyo Thomas Partey ay labaduba ganaax ka soo laaban doonaan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*