Home Warar Ciyaaraha Maanta Mikel Arteta oo xaqiijiyay Mudada uu Martin Odegaard uu ka maqnaan doono...

Mikel Arteta oo xaqiijiyay Mudada uu Martin Odegaard uu ka maqnaan doono garoomada

0

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in kabtan Martin Odegaard uu “mudo” ka maqnaan doono garoomada sabab la xidhiidha dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay kuraanta.

Xiddiga reer Norway ayaa ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa fasaxii xulalka.

Arsenal ayaa qarisay halista dhaawaca ilaa haatan iyada oo Mikel Arteta ugu dambayn xaqiijiyay dhaawaca xiddiga.

“Kadib baaritaanadii ugu dambeeyay ee baaritaanada ayaa muujiyay in uu xoogaa dhaawac ah gaar ahaan mid ka mid ah seedaha kuraanta”ayuu Arteta yidhi.

“Ma sheegi karo wakhtiga uu maqnaan doono sababta oo ah dhakhtar ma ihi laakiin waa dhaawac weyn”.

“Waxa uu naga maqnaan doonaa in muddo ah”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here