Home Warar Ciyaaraha Maanta Mikel Merino oo la Shaaciyay Mudada uu garoomada ka maqnaan Doono

Mikel Merino oo la Shaaciyay Mudada uu garoomada ka maqnaan Doono

0

Ciyaaryahanka cusub ee Arsenal Mikel Merino ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado labada bilood ee soo socota, sababa la xiriira jabniin garabka ah oo ka soo gaaray tababarkiisii ​​ugu horeeyay.

Gunners ayaa xiddiga 28 jirka ah ka soo bixisay lacag dhan 31 milyan oo euro laakiin waxa uu dhaawacmay isaga oo aan xitaa hal daqiiqo u ciyaarin kooxda.

Xiddiga ayuu dhaawac garabka ah ka soo gaadhay tababarkiisii ugu horeeyay ee uu la qaatay kooxda Arsenal.

Haatan, Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Merino garoomada ka maqnaan doono muddo 2 bilood ah isla markaas aan la filayn in uu ciyaaro ilaa kadib bisha October.

Merino qudhiisa ayaa horey u qirtay inuusan ogeyn inta uu garoomada ka maqnaan doono ka dib dhaawacii garabka ahaa ee soo gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here