Home Suuqa Kala iibsiga Mikel Merino oo si cad u sheegay in uu doonayo in uu...

Mikel Merino oo si cad u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Arsenal iyo Real Sociedad Oo Diiday

0

Mikel Merino ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Arsenal laakiin Real Sociedad ayaa diiday dalabka furitaanka ee kooxda Mikel Arteta sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Arteta ayaa u aqoonsaday Merino bartilmaameedkiisa ugu sarreeya ee uu ku xoojinayo khadkiisa dhexe laakiin Arsenal ayaan wali heshiis la gaarin Real Sociedad.

Waxaa la fahamsan yahay in Real Sociedad ay ku dalbaneyso 35 milyan oo euro si ay u iibiso Merino laakiin Arsenal ayaan dooneynin inay bixiyaan lacagtaas marka la eego in uu xiddigu xor noqon doono xilli ciyaareedka dambe.

Real Sociedad ayaa war fiican heshay kadib markii Martin Zubimendi uu iska diiday u dhaqaaqista Liverpool.

Laakiin sida laga soo xigtay Radio Marca, Real Sociedad ayaa haatan iska xaqiiqsatay inay lumiso Merino, kaasoo doonaya inuu ku biiro Arsenal ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha Real Sociedad iyo Arsenal ay haatan ka wada xaajoonayaan qiimaha xiddiga reer Spain balse dalabkii ugu horeeyay ee Gunners ayaa la diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here