Mikel Owen oo Saadaaliyay kulamada Horyaalka Premier League Chelsea iyo Tottenham

Chelsea ayaa martigelinaysa Tottenham Axadda berri, waxaanay labada kooxoodba ku ducaysanayaan in laga sii qabto Liverpool iyo Leicester City si midkooda badisaa ay hoggaanka horyaalka Premier League si buuxda iskugu kala bixiso.

Tababare Jose Mourinho ayay kooxdiisa Tottenham hoggaanka ku haysa 20 dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Liveprool oo farqiga goolasha ka hoosaysa, isla markaana maanta oo Sabti ah la ciyaaraysa Brighton.

Manchester City oo saddex ciyaarood oo kaliya soo guuleysatay siddeeddii kulan ee Premier League ee ay dheeshay xili ciyaareedkan ayaa iyaduna caawa fiidka waxay waajahaysaa Burnley, balse United ayaa u safri doonta Southampton halka Arsenal ay garoonkeeda Emirates Stadium ku qaabili doonto Wolves.

Halyeygii weerarka ee xulka qaranka England iyo kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa saadaaliyey kulamada horyaalka Premier League ee usbuucan, waxaanu kasii farxiyey kooxo waaweyn, halka uu kuwo kalena ugu sii bushaareeyey inay dhadhamin doonaan guul-darrooyin oo ay tahay inay haddaba qalbiga sii adkaystaan.

BRIGHTON VS LIVERPOOL

Liverpool ayaa dhaawacyo badan wiiqeen awooddeeda, waxaase uu Michael Owen u saadaaliyey in Jurgen Klopp uu saddexda dhibcood heli doono oo ay garaaci doonto Brighton.

MANCHESTER CITY VS BURNLEY

Pep Guardiola ayay kooxdiisu kusoo jirtay dhibaato badan, waxaase ay maanta la ciyaari doontaa Burnley xilli ay jiraan ciyaartooyo dhaawac kaga maqan.

Sean Dyche ayaa isagana aanay fiicnayn rikoodhka kulamada uu ku ciyaaray Etihad Stadium, sidaas darteed, Michael Owen waxa uu guusha u saadaaliyey Manchester City.

EVERTON VS LEEDS UNITED

Kulankan adag ayaa imanaya xilli Leeds ay barbarro lasoo gashay Arsenal, balse Owen ayaa mar kale ugu sii bushaareeyey inay kusii talo-galaan barbarro kale oo ay Everton ku kala bixi doonaan.

WEST BROM VS SHEFFIELD UNITED

Michael Owen waxa uu ugu bushaareeyey Sheffield United inay heli doonaan saddex dhibcood oo muhiim ah marka ay West Brom u tagaan usbuucan.

SOUTHAMPTON VS MANCHESTER UNITED

Michael Owen waxa uu ka nixiyey tababare Ole Gunnar Solskjaer oo raadinaya guul kale oo uu kooxdiisa sare ugu soo qaado, waxaanu kulankan ku saadaaliyey inuu noqon doono mid kusoo dhamaada barbarro.

CHELSEA VS TOTTENHAM

Jose Mourinho ayaa ku laabanaya garoonkiisii hore ee Stamford Bridge ee uu baryaha qaarkood ugu dagaallami jiray sidii uu guul ugu soo hoyn lahaa, laakiin markan wuxuu hoggaaminayaa Tottenham oo uu dhibcaha ciyaarta la doonayo.

Michael Owen oo kulankan saadaaliyey wuxuu sheegay in saddex gool la kala dhalin doono, guushuna ay 2-1 ku raaci doonto Chelsea.

ARSENAL VS WOLVES

Aubameyang ayaa ka mid noqon doona xiddigaha goolasha u dhalin doona Arsenal, waxaana guul ay ku dhibaatootay ay ka gaadhi doontaa Wolves marka ay garoonkeeda ku qaabisho Axadda, sida uu saadaaliyey Michael Owen.

LEICESTER CITY VS FULHAM

Brenden Rodgers oo ay kooxdiisu guul-darro 3-0 ah kala soo kulantay Liverpool toddobaadkii hore, waxay kusoo laaban doontaa jidka guusha iyadoo si fudud u garaaci doonta, goolal badanna ka dhalin doonta Fulham, sida Michael Owen ay saadaashiisu muujisay.

WEST HAM VS ASTON VILLA

Michael Owen waxa uu guul ay aad ugu dhibaatootay u saadaaliyey West Ham United, taas oo haddii ay rumowdo noqon doonta guul-darradii labaad oo xidhiidh ah ee soo gaadha Aston Villa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*