
Milkiilaha kooxda Chelsea Todd Boehly ayaa aad uga carooday inay ku guuldareysteen inay u tartamaan Aurelien Tchouameni xilli ciyaareedkii hore.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee France ayaa ka tagay AS Monaco kuna biiray Real Madrid inkastoo heshiiska la dhameeyay ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga xagaaga.
Sport ayaa sheegaysa in Boehly uu yahay taageere weyn uuna ka carooday in Chelsea marnaba isku dayin inay u tartanto saxiixa Tchouameni.
Waxaa la soo jeediyay agaasimihii hore ee maamulka Marina Granovskaia uu taageeray Saul Niguez , oo amaah kaga yimid Atletico Madrid , ka hor inta uusan u dhaqaaqin Tchouameni bisha Janaayo.
Be the first to comment