Home Wararka Ciyaaraha Mino Raiola oo ka hadlay in Erling Braut Haaland uu heshiis hordhac...

Mino Raiola oo ka hadlay in Erling Braut Haaland uu heshiis hordhac ah la gaaray Real Madrid

0

Wakiilka Erling Braut Haaland Mino Raiola ayaa beeniyay in weeraryahanka Borussia Dortmund uu horay u aqbalay inuu ku biiro Real Madrid xagaaga soo aadan.

Haaland ayaa lagu wadaa in dhamaadka xili ciyaareed kaan uu dagaal adag Dhex dhigo kooxaha ugu waa weyn Yurub, markaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 68 milyan ginni.

21-sano jirkaan ayaa waxaa doonaya koox kasta oo waaweyn oo ka dhisan qaaradda, iyadoo Real Madrid ay ka mid tahay kooxaha ugu cadcad iyo sida Barcelona , Manchester United , Manchester City , Chelsea , Bayern Munich , Juventus , Paris Saint-Germain. iyo Liverpool oo sidoo kale lala xiriirinayo.

Maamulaha Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa todobaadkan xaqiijiyay in Real Madrid ay “si gaar ah” u xiisaynayso Haaland, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in heshiis uu horay u jiray.

Si kastaba ha ahaatee, Raiola ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah wuxuuna ku adkaystay in uu Norwegian-ku ku biiri doono kooxda isaga u fiican – taas oo sidoo kale la macno ah in uu sii joogo Dortmund wixii ka dambeeya xagaaga.

“Haaland waxaa sugaya koox walbo, ma jirto heshiis horudhac ah oo aan la leenahay kooxna,” Raiola ayaa u sheegay NOS .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa dhaliyay 19 gool, waxaana uu abuuray shan kale 16 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana uu 76 gool u dhaliyay 75 kulan oo uu u saftay Dortmund guud ahaan.

Previous articleManchester United oo fursad U heysata heshiiska xidiga Boubacar Kamara
Next articleWakiilka Matthijs de Ligt oo albaabada u furay u dhaqaaqista xidigan ee Premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here