Home Wararka Ciyaaraha Mino Raiola oo ka hadlay Qorshaha Manchester United ee Haaland iyo Kooxaha...

Mino Raiola oo ka hadlay Qorshaha Manchester United ee Haaland iyo Kooxaha uu ku biiro karo

0

Mino Raiola ayaa soo jeediyay in Manchester United aan ahayn kooxaha doonaya inay lasoo wareegaan Erling Braut Haaland inta lagu jiro xagaaga soo aadan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

21-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu ka tago BVB dhamaadka xilli ciyaareedka 2021-22, iyadoo kooxo badan ay ku dagaalamayaan saxiixiisa.

Man United ayaa muddo dheer lagu tiriyaa inay xiiseyneyso xiddiga heerka caalami ee dalka Norway, waxaana la soo jeediyay in booskooda uu sii xoojiyay Ralf Rangnick oo yimid Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, wakiilka Haaland Raiola ayaa u magacaabay Bayern Munich , Real Madrid , Barcelona iyo Manchester City “kooxaha waaweyn” ee uu weeraryahanku ku biiri karo xagaaga soo socda.

Haaland, oo dhaliyay 17 jeer 13 kulan oo uu u saftay heerka kooxda intii lagu jiray ololihii 2021-22, ayaa lagu xamanayaa inuu haysto 63 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa BVB xagaaga soo socda.

Previous articleLiverpool Diogo Jota oo shaki ku jiro inuu taam u yahay kulanka Aston Villa
Next articleLiiska Todobo Ciyaaryahan oo Kooxda Paris Saint-Germain iska iibineyso Bisha January

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here