Miyey Kooxda Tottenham diyaar u tahay in Harry Kane ka iibiso koox Ingariis ah

Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay ka caga jiideyso inay Harry Kane ka iibiso koox kula tartameysa Premier League xagaagan suuqa kala iibsiga.

Kabtanka England ayaa la rumeysan yahay inuu miisaamayo xulashadiisa ka hor xilli ciyaareedka soo socda haddii Spurs aysan u soo bixin Champions League.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay The Athletic , milkiilaha Tottenham Daniel Levy ayaan ka iibin doonin Kane koox ay xafiiltamaan gudaha “xaalad kasta ha noqotee”

Spurs wax cadaadis ah kuma saarna inay iska iibiyaan xiddigooda, kaasoo weli heysta seddex sano oo kale oo qandaraaskiisa ah.

Manchester United ayaa la fahamsan yahay inay xiiseyneyso 27 jirkaan, si kastaba ha ahaatee qiimihiisa 120m waa mid aysan Red Devils diyaar u ahayn inay bixiso.

Hogaamiyaasha horyaalka ee Manchester City ayaa sidoo kale loo maleynayaa inay xiiseynayaan laakiin, iyadoo dhaqaalaha kooxda uu adag yahay, kala wareejinta heerkaan ayaa laga yaabaa inay adkaato xagaagan.

Kane, oo aan wali ku guuleysan koob weyn waayihiisa ciyaareed, ayaa 42 kulan u saftay tartamada oo dhan Spurs ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 29 gool 16 kalena caawiye ka noqday.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*