Home Wararka Ciyaaraha Miyuu Fernandinho sii joogi doonaa Manchester City bisha Janaayo

Miyuu Fernandinho sii joogi doonaa Manchester City bisha Janaayo

0

Kabtanka Manchester City Fernandinho ayaa lagu soo waramayaa inuu sii joogi doono Etihad Stadium ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo meesha ka saaraya inuu u dhaqaaqi karo Janaayo.

36-jirkan oo siddeedii sano iyo bar ee lasoo dhaafay la qaatay Citizens, ayaa saxiixay heshiis kordhin hal sano ah xagaagii hore, kaasoo ku eg June 2022.

Mustaqbalka dheer ee Fernandinho ayaa la hubin, in kastoo wariye Jorge Nicola oo ka tirsan Sports Witness , ayaa sheegaya in January uusan socon xidiga reer Brazil.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in wakiilo ka socda Mineiro ay dhawaan safar ku tageen Manchester si ay wadahadal ula yeeshaan Fernandinho, si kastaba ha ahaatee halyeeyga ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu arko inta ka harsan qandaraaska uu kula jiro kooxda Pep Guardiola .

Fernandinho ayaa adeege cajiib ah u ahaa Man City tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Shakhtar Donetsk sanadkii 2013, wuxuuna u saftay 365 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 25 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 31 caawin.

Previous articleDa’yarta Chelsea oo ku biiray tababarka ka hor kulanka Brentford EFL Cup
Next articleTommy Doyle oo qarka u saaran inuu amaah uga tago Kooxda Manchester City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here