Myles Lewis-Skelly ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulankiisii seddexaad oo xiriir ah marka Arsenal ay la ciyaarayso Crystal Palace kulan ka tirsan 8 dhamaadka Carabao cup-ka.
18-sano jirkaan ayaa ku soo bilowday labadii kulan ee ugu danbeysay, isagoo ka horyimid Monaco iyo Everton, isagoo ka ciyaarayay daafaca bidix iyadoo ay maqan yihiin Oleksandr Zinchenko iyo Riccardo Calafiori.
Calafiori iyo Zinchenko ayaa weli maqan, sidaa darteed Lewis-Skelly ayaa mar kale ku bilaaban doona shaxda hadii Jurrien Timber laga ciyaarsiin booskaas.
David Raya ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo goolka, iyadoo Neto, oo amaah kaga maqan Bournemouth uu horay kooxdiisii hore ugu soo ciyaaray tartanka.
Mikel Arteta ayaa ka ciyaarsiiyay Jack Porter iyo Tommy Setford wareegyadii hore laakiin waxa ay u badan tahay in uu ciyaarsiin doono Raya.
Jakub Kiwior ayaa ku soo bilaaban kara booska daafaca, iyadoo Gabriel kaliya uu ka soo laabtay dhaawac muruqa ah.
Ethan Nwaneri, oo dhaliyay seddex gool Carabao Cup xilli ciyaareedkan, ayay u badan tahay inuu ku bilowdo khadka dhexe iyada oo ay wehelin doonaan xiddigaha Mikel Merino iyo Jorginho.
Dhinaca weerarka xiddiga Raheem Sterling ayaa la filayaa in uu ku bilowdo kadib markii uu ciyaaray labadii kulan ee hore ee tartanka.
Halkan Kaga Bogo shaxda Macquulka ah ee kulanka:
Raya; Timber, Saliba, Kiwior, Lewis-Skelly; Nwaneri, Jorginho, Merino; Saka, Havertz, Sterling