Mo Salah oo ka hadlay waxa ay uga dhigantahay Hadii uu ku guuleesto Koobka Qaramada Africa

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa sheegay in ku guuleysiga koobka qaramada Afrika ee Masar ay noqon doonto guul uu gaaro xirfadiisa ciyaareed.

Salah ayaa rigoore dhaliyay kulankii ay wareega 16-ka rigoorada kaga badiyeen Ivory Coast xalay, taasoo keentay in daafaca Manchester United Eric Bailly uu rigoorada muhiim ah ka Qasaariyo Xulkiisa.

Haatan Masar waxa ay dareenkeeda u jeedin doontaa axada wareega 8da ee ay la ciyaarayaan Morocco, iyadoo ay la ciyaari doonaan Burkina Faso ama Tunisia oo afar dhamaadka ah ay soo bixi doonaan.

Ka dib gool ku laadkii uu ka dhaliyay Ivory Coast, Salah waxa uu caddeeyey inuu doonayo inuu isbadal sameeyo Sanadkan.

“Dabcan waxaan rabaa inaan wax kula guuleysto xulka qaranka,” ayuu yiri. “Waa dalkayga, waxa aan ugu jeclahay.

“Koobkani aniga ahaan gabi ahaanba wuu ka duwanaan lahaa, waxa uu noqon lahaa kan ugu dhaw qalbigeyga.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*