Mo Salah oo Taariikh iyo Rikoodh Cusub Dhigay Caawa

Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa si rasmi ah u noqday xiddiga Afrika ka soo jeeda ee ugu goolasha badan taariikhda Premier League ka dib markii uu shabaqa ka soo taabtay Manchester United qeybtii hore ee ciyaarta ka socota Old Trafford.

Salah ayaa rikoodhkaan ka jabiyay halyeeyga Chelsea Didier Drogba oo uu barbareeyay rikoodhkiisa todobaadkii la soo dhaafay.

Salah wuxuu haatan horyaalka Premier League ka dhaliyay 107 gool taasoo ka dhigeysa inuu dhaafay rikoodhkii Didier Drogba oo horyaalkaan ka dhaliyay 104. Waxaa kaalinta 3aad ku soo jira xiddiga kale ee Liverpool Sadio Mane oo dhaliyay 100 gool.

Mohamed Salah ayaa sidoo kale haatan shabaqa soo taabtay 10 kulan oo isku xigta tartamada oo dhan. Waa xiddigii ugu horeeyay ee Liverpool ee sidaas sameeya.

Tan iyo xilli ciyaareedkii 2017-18, Salah waa ciyaaryahankii afaraad ee shanta horyaal ee ugu waa weyn ee sidaan sameeya ka dib Cristiano Ronaldo (April 2018), Duvan Zapata (Janaayo 2019) iyo Robert  Lewandowski oo seddex jeer sameeyay.

Salah ayaa sidoo kale isha ku haya rikoodhka Liverpool ee Daniel Sturridge kaasoo 8 kulan oo isku xigta oo Premier League gool ka dhaliyay intii u dhaxeysay November 2013 iyo Febraayo 2014. Salah wuxuu haatan marayaa todoba kulan oo isku xigta horyaalka Premier League.

Mohamed Salah ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee taariikhda Liverpool ee seddex kulan oo isku xigta gool uga dhaliya Manchester United garoonkeeda Old Trafford.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*