Mohamed Salah iyo Virgil Van Dijk oo Ka Maqnaan Doona Kulanka Southampton

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa war cusub ka helay xaalada xiddigaha ugu muhiimsan kooxdooda ee Mohamed Salah iyo Virgil Van Dijk kuwaas oo dhaawacyo ku haleeleen ciyaartii ugu dambaysay ee ay Sabtidii ku qaadeen FA Cup.

Mohamed ayaa la bedelay qaybtii hore ee kulankii ay Chelsea uga guuleysteen FA Cup halka Virgil Van Dijk bedel lagu sameeyay kahor intii aan la gelin wakhtigii dheeriga ahaa.

Liverpool ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan kusoo guuleysatay FA Cup iyo Carabao Cup halka ay fursado aad u fiican u haystaan inay afarleyda koobabka ah ku dhammaystiraan Premier League iyo Champions League.

Ugu horreynba, Reds oo ka warqaba in Man City ay dhibco lumisay kulankii ay shalay bar-bardhaca lasoo gashay West Ham United ayaa booqanaya Southampton Salaasada habeen dambe ah si ay guul usoo gaadhaan farqiga hoggaankana uga soo dhigaan hal dhibic.

Sida uu haatan sheegayo saxafiga arrimaha Liverpool ku dhaw ee Paul Joyce, Mohamed iyo Virgil ayaa labaduba Liverpool ka maqnaan doona kulankaas ay Saints u tagayaan ee go’aamin kara xilli ciyaareedka.

Paul Joyce ayaa sheegaya in tababare Jurgen Klopp uusan doonayn inuu halis galiyo xiddigahaas si ay taam buuxa ugu noqdaan kulanka Final-ka Champions League ee Real Madrid ee 28-ka bishan May.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*