Mohamed Salah ayaa bar-bareeyay rikoorkii Cristiano Ronaldo ee ahaa gool dhalinta 7-dii kulan ee isku xigta ee Champions Leaque- ga uu ku ciyaaray meel ka baxsan garoonkeeda , wuxuuna goolkan u dhaliyay goolkii uu ka dhaliyay Liverpool kulankii ugu danbeeyay ee Group-yada ay la ciyaareen AC Milan.
Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Masar ayaa ahaa wax lala yaabay oo lagu soo daray safka hore, iyadoo Liverpool ay mar horeba xaqiijisatay booskeeda guruubka iyadoo labo kulan ay ka harsan tahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sii watay qaab ciyaareedkiisa wacnaa xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay gool fursad ah si uu ugu barbareeyo dhibcaha San Siro.
Goolka ayaa ka dhigay 7 kulan oo xiriir ah oo uu bannaanka ku soo baxay Champions League oo uu Salah shabaqa soo taabtay – kaliya waa ciyaaryahankii labaad ee sidaas sameeya ka dib Ronaldo oo sidaas oo kale u maamulay Real Madrid intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014.
Markii ugu dambeysay ee Salah uu ku guuldareysto inuu gool ka dhaliyo meel ka baxsan Champions League waxay aheyd October 2020, markaasoo Liverpool 1-0 ku garaacday Ajax.
Salah ayaa haatan dhaliyay 20 gool 21 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, marka lagu daro sagaal gool caawineed oo Premier League ah.