Mohamed Salah oo heshiis cusub u saxiixaya kooxdiisa Liverpool

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda.

Iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar uu qandaraaskiisa haatan dhacayo xagaaga 2023, waxaa la isla dhexmarayay mustaqbalkiisa bilihii ugu dambeeyay.

Wada xaajoodka u dhexeeya ciyaartoyga iyo kooxda ayaa soo jiitamayay in muddo ah ka dib markii Salah uu qirtay 2020 in aanu meesha ka saarayn inuu u wareego Barcelona ama Real Madrid mustaqbalka.

Salah ayaa horay uga dhawaajiyay inuu doonayo inuu helo heshiis uu ku sii joogayo Liverpool, ilaa iyo inta laga helayo dalabaadkiisa, islamarkaana la aqoonsanayo qiimaha uu kooxda ku leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee, rajada ah in Salah si bilaash ah ku waayi doono sanadka soo socda ayaa keentay soo jeedinta in Reds lagu qasbi karo inay iibiso xagaagan iyadoo lala xiriirinayo kooxaha Spain iyo Paris Saint-Germain .

Haatan, Football Insider ayaa sheegtay in Liverpool ay sii kordheyso kalsoonida ku aaddan fursadda ay Salah ku xiri karto heshiis cusub, xilli ay isku diyaarinayaan wadahadalladii ugu dambeeyay ee qandaraas kordhinta.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*