Mohamed Salah oo hoosta ka xariiqay inuu doonayo inuu sii joogo Liverpool FC

Photo@Reuters

Mohamed Salah ayaa hoosta ka xariiqay inuu doonayo inuu sii joogo Liverpool FC, isagoo sheegay inuu doonayo inuu boqolkiiba boqol siiyo kooxda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa heysta 18 bilood si uu ugu harsan qandaraaskiisa haatan ee kooxda difaacaneysa Premier League si uu su’aalo uga keeno mustaqbalkiisa.

Salah ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda reer Spain ee FC Barcelona ama Real Madrid bilihii la soo dhaafay marka loo eego xaalada qandaraaskiisa.

Weeraryahanka Afrikaanka ah ayaa sii shiday wararka la isla dhexmarayo bishii la soo dhaafay markii uu u muuqday inuu albaabka u furayo u dhaqaaqista mid ka mid ah kooxaha Isbaanishka mustaqbalka.

Goolasha Salah ayaa qaleeel ka noqday kooxda ka dhisan Anfield todobaadyadii la soo dhaafay si ay su’aalo uga keenaan weeraryahanka Liverpool FC iyo asxaabtiisa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*