Home Warka Xiisaha Leh Mohamed Salah oo ka hadlay canaanta loo jeedinayo difaaca kooxdiisa ee Trent...

Mohamed Salah oo ka hadlay canaanta loo jeedinayo difaaca kooxdiisa ee Trent Alexander-Arnold

0

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka hadlay canaanta loo jeedinayo difaaca kooxdiisa ee Trent Alexander-Arnold oo saluug laga muujinayo hannaankiisa difaaca, taas oo keentay in Jurgen Klopp uu beddelo qaab-ciyaareedka kooxdiisa oo uu laacibkan geeyo khadka dhexe.

Alexander-Arnold oo 272 ciyaarood oo uu u saftay Liverpool u dhalyey 16 gool, sidoo kalena caawiyey 71 gool oo kale oo ay asxaabtiisu dhaliyeen, ayaa mar walba su’aal la iska weydiinayay qaabka difaaciisa ee liita.

Mohamed Salah oo wax laga weydiiyey 24 jirkan oo lagu soo riixay khadka dhexe ayaa ku jawaabay: “Annaguba hadda ayuun baanu xaqiiqsanay in aanu difaaci karayn kubadda! Kaliya waan kaftamayaa. Waa ciyaartoy run ahaantii xirfadle ah, mar walba waxa aanu wada samaynaa jimicsiga jidh-dhiska iyo tababrka, waxaanan ku idhaahdaa, ‘Haddii ad doonayso in aad ila hadasho kaliya ii kaalay’. Waan xubaa in Jordan Henderson iyo ciyaartoyda kaleba ay sidaas oo kale isku yihiin.”

Si kastaba ha ahaatee, Alexander-Arnold ayaa intii uu Jurgen Klopp beddelay booskiisa labadii bilood ee ugu dambeeyey waxa uu caawiyey lix gool iyo hal gool oo uu dhaliyey sagaal ciyaarood gudahood.
Previous articleLionel Messi Oo Toddobaadkan Camp Nou Ka Degaya & Sababta
Next articleWAE DEG-DEG AH: SADDEXDA Kooxood Ee Ka Dhacay Sallaanka Horyaalka Premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here