Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka hadlay suurtagalnimada uu ugu wareegi karo horyaalka sucuudiga kadib dhamaadka heshiiska uu kula jiro Liverpool.
Salah oo 32 jir ah ayaa kooxda Liverpool kula jira heshiis dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo xiddigu xaqiijiyay in ayna kooxdu wali u soo bandhigin dalab cusub.
Hadalkiisii ugu dambeeyay, Salah waxa uu ku muujiyay sida uu uga xun yahay, isla markaana uu ka niyad jabsan yahay in Liverpool aysan la gelin wada-hadallo rasmi ah oo dhab ah, si ay u cusboonaysiiyaan qandaraaskiisa, kaasoo gabagabo ku dhow.
Salah ayaa sheegay mar wax laga weydiiyay su’aal aheyd inuu aadi karo horyaalka Sacuudiga xilli ciyaareedka soo socda: “Ma doonayo inaan arrintan ka hadlo kooxda hadda.”
Salah ayaa iska dhaga tiray hadal heynta ku aadan suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo horyaalka Sacuudiga, inkastoo ay tahay meesha ugu dhow ee uu aadi karo hadii uu ka tago Liverpool