Home Suuqa Kala iibsiga Mohamed Salah oo Shaaciyay in ay tahay sanadkiisii ​​ugu dambeeyay ee...

Mohamed Salah oo Shaaciyay in ay tahay sanadkiisii ​​ugu dambeeyay ee Liverpool

0

Mohamed Salah ayaa sheegay in ay tahay sanadkiisii ​​ugu dambeeyay ee Liverpool isla markaana aysan jirin cid ka tirsan kooxda oo kala hadashay heshiis cusub.

32-sano jirkaan, oo qandaraaskiisa uu haatan ku joogo  Anfield uu dhacayo xagaaga soo aadan, ayaa dhaliyay gool kulankii ay Reds 3-0 kaga badisay Manchester United Axadii xalay ahayd.

Salah ayaa sheegay in kulankan uu ahaa kiisii ​​ugu dambeeyay ee Old Trafford.

“Waxaan imaanayay ciyaarta, anigoo og amaba waxay noqon kartaa markii ugu dambeysay’,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Qof ka tirsan kooxda weli igama hadlin heshiisyada, sidaas darteed waxay ila tahay , inaan ciyaaray xilli ciyaareedkeygii ugu dambeeyay oo aan arko dhamaadka xilli ciyaareedka’.

“Waxaan dareemayaa inaan xor u ahay inaan ciyaaro kubada cagta – waan arki doonaa waxa dhaca sanadka soo socda.”

Mar wax laga weydiiyay Tababaraha cusub ee Arne Slot xaalada Salah wuxuu yiri:

“Waa wax badan waqtigan waa mid naga mid ah, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inuu ka mid yahay kuwayada, si fiican ayuuna u ciyaaray.

“Kama hadlo qandaraasyada ciyaartoyda laakiin waxaan saacado badan ka hadli karaa sida Mo uu u ciyaaray maanta.” Ayuu yidhi Slot.

Guushii ay ka gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United ayaa ka dhigeysa Liverpool inay ku jirto kaalinta labaad ee kala sareynta, kaliya waxay ka dambeeyaan hogaamiyayaasha Manchester City.

Salah oo haatan shabaqa soo taabtay seddexdii kulan ee furitaanka Liverpool xilli ciyaareedkan, sidoo kale xiddiga ayaa ku riyaaqay rikoor ka dhana Old Trafford:

Salah ayaa dhaliyay (11) ama caawiye (6) 17 ka mid ah 23-kii gool ee ugu dambeeyay ee Liverpool ay ka dhalisay Man United.

Masaariga ayaa ku lug lahaanshiyaha goolasha Red Devils ka badan marka loo eego ciyaaryahan kasta oo ka tirsan tartanka.

Waxa uu dhaliyay 10 gool sagaal kulan oo uu ku ciyaaray Old Trafford Liverpool tartamada oo dhan.

Waa ciyaaryahankii labaad ee 10 iyo ka badan gool ku dhaliya hal garoon oo banaanka ah kooxaha  Premier League tan iyo 1992-93, ka dib Alan Shearer (oo 10 gool ku dhaliyay Elland Road).

Salah waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee shan kulan oo isku xigta gool ka dhaliya Manchester United Premier League-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here