Home Suuqa Kala iibsiga Mohamed Salah oo sheegay inuu diirada saarayo kaliya inuu ku raaxeysto sanadkiisa...

Mohamed Salah oo sheegay inuu diirada saarayo kaliya inuu ku raaxeysto sanadkiisa ugu dambeeya ee Liverpool

0

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa sheegay inuu diirada saarayo kaliya inuu ku raaxeysto sanadkiisa ugu dambeeya ee qandaraaskiisa ka hor inta uusan go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa.

Salah, oo 32 jir ah, ayaan weli heshiis cusub u saxiixin Reds, iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaagan.

Liverpool ayaa diiday dalab 150 milyan oo ginni ah oo Al-Itixaad ay ku dooneysay Salah bishii September ee lasoo dhaafay.

“hal sano ayaa ii haray, aan ku raaxaysano oo ha ka fikirin qandaraaska” ayuu Salah u sheegay Sky Sports.

“Ma doonayo inaan ka fikiro sanadka soo socda ama mustaqbalka, kaliya waxaan rabaa inaan ku raaxaysto sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskeyga.

“Waxa ugu muhiimsan waa in la qaato hal maalin oo kaliya oo aad ku mahadceliso inaad halkan joogtid.”

Kabtanka xulka Masar ayaa Reds 34 milyan oo ginni uu kaga soo biiray kooxda Roma sanadkii 2017kii, wuxuuna dhaliyay 213 gool 351 kulan oo uu saftay, isagoo ku jira kaalinta shanaad ee gooldhalinta abid Liverpool.

Bishii july 2022, Salah ayaa saxiixay heshiis cusub oo seddex sano ah, taasoo ka dhigeysa sida la sheegay inuu yahay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda, isagoo qaata in ka badan £ 350,000 todobaadkii.

Waxa uu si dhaqso ah ula qabsaday nolosha tababaraha cusub ee Liverpool Arne Slot, isagoo dhaliyay labadii kulan ee ugu horeysay ee  Premier League ee tababaraha Holland.

ka dib markii uu ka hoos ciyaaray kaliya tababarihii hore ee Jurgen Klopp intii uu ku sugnaa Anfield.

Salah wuxuu kula guuleystay koob kasta oo weyn intii uu Klopp hogaaminayay marka laga reebo Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here