Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah premier League.
Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa premier League todobaadkii 12-aad.
Mohamed Salah ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee ku lug lahaa 15 gool iyo wax ka badan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 10 gool 6 kalena caawiyey.
Sidoo kale Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 300-aad ee xirfadiisa kooxaha kadib goolkii uu ka dhaliyay Southampton.
Salah ayaa sidoo kale dhaliyay 10 gool iyo wax ka badan 8-dii kulan ee uu joogay horyaalka premier League.
Dhanka kale, Mohamed Salah ayaa tirada goolasha uu ka dhaliyay Southampton xirfadiisa ciyaareed waxa uu gaaray 9 gool, isagoo dhaafay rikoorka Robbie Fowler ee 8 gool, halka uu hal gool ka hooseeya Ian Rush.
Mohamed Salah ayaa awooday in uu gaadho goolkiisii 100-aad ee Liverpool meel ka baxsan Anfield isaga oo tartamo kala duwan ku soo ciyaaray.
Mohamed Salah ayaa noqday ciyaartoygii saddexaad ee taariikhda Liverpool 100 gool ku dhaliya meel ka baxsan garoonkeeda, tartamada kala duwan, ka dib Roger Hunt oo dhaliyay 112 gool iyo Ian Rush oo 161 gool dhaliyay.
Intaa waxaa dheer, Mohamed Salah wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee gool ka dhaliya Liverpool shan kulan oo isku xigta oo Premier League ah tan iyo markii uu sidaas oo kale dhaliyay October 2021 (toddobo kulan oo xiriir ah).