Home Warka Xiisaha Leh Mohamed Salah oo soo bandhigay dareenkiisa ka hadhitaanka UEFA Champions League ee...

Mohamed Salah oo soo bandhigay dareenkiisa ka hadhitaanka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

0

Garabka weerar ee kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa soo bandhigay dareenkiisa ka hadhitaanka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Guushii 4-1 ka ahayd ee ay Manchester United xalay ku dardaray Chelsea ayaa ka dhigan in Red Devils xaqiiqsadeen ka qayb qaadashada tartanka ugu xiisaha badan Yurub Liverpool-na seegtay kaddib mudo ay joogto uga qayb qaadanaysay.

Salah ayaa u muuqday mid daawanayay kulankii Man United ee xalay maadaama oo uu isla markiiba barihiisa bulshada kusoo daabacay qoraal deg-deg ah oo uu kusoo bandhigayo sida uu uga mooraal jabay inay ka hadhaan tartankaas.

Salah ayaa qoraal uu sawirkiisa soo raaciyay ku yidhi “Anigu gabi ahaanba waan niyad jabsanahay, guud ahaanba wax marmarsiyo ah malaha arrintani. Waxaanu haysanay waxkasta oo aanu u baahanahay si aanu Champions League ugu soo baxno sanadka dambe”.

“Waxaanu nahay Liverpool usoo bixitaanka tartankaasina waa waxa ugu yar. Waan ka xumahay balse waa wakhti hore (Oo aanan soo dhigi karin) qoraal kor u qaadis iyo niyad samaan ah, idinka iyo nafahayagaba waanu idin niyad jabinay”.

Liverpool ayaa markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2015-16 ka ciyaari doonta Europa League, dhinaca kale Newcastle United oo booska afraad joogta ayaa markii ugu horreysay 20 sano kaddib usoo baxday Champions League.

Previous articleOleksandr Zinchenko oo si kaftan ah u shaaciyey laba ciyaartoy oo xaasidiin ah oo ku jira Arsenal
Next articlePaul Merson oo saadaaliyay toddobaadka ugu dambeeya ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2022-23.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here